MADAXWEYNIHII HIIRAAN STATE OO BAXSADAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNIHII HIIRAAN STATE EE U BAXSADAY ITOOBIYA.

(B/WEYNE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee B/weyne ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ey habeenkii xalay saqdii dhexe ey weerareen guri ku yaalo magaaladda B/weyne xarunta G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya,guriga la weeraray ayaa waxaa deganaay nin magaciisa lagu sheegay C/laahi C/raxmaan Aden(Geneey),kaasoo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka aan haysan aqoonsiga ee Hiiraan State. Ciidamadda gaarka ah ee Xooga dalka Soomaaliyeed qeybtooda loo yaqaano Sahanka iyo Sirdoonka Ciidamadda ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ey ku daba jireen C/laahi C/raxmaan Aden(Geneey) oo la sheegay inuu waqtiyo kala duwan uu saraakiil Itoobiyaan ah shir kula qaatay magaaladda Feer-Feer ee gudaha dalka Itoobiya iyadoo Itoobiya ey u balan qaaday iney u tababari doonto ciidamo kumanaan gaaraayo oo Somaali ah kuwaaso isaga ka amar qaata. Itoobiya waxa ey qorsheyneysay sida ka muuqata muuqaalka guriga la weeraray,in ciidankaas u tababarto kuna maalgeliso si Gobolka Hiiraan ey qabsadaan ka dibne rabitaanka iyo danaha Itoobiya halkaas uga fuliyaan. Guriga C/laahi C/raxmaan Aden(Geneey) ee xalay xilli dambe loo dhacay ayaa laga helay Aqoonsi ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS waxaane ku qoran magaca C/laahi C/raxmaan Aden,waxaane lagu sheegay in C/laahi yahay La taliyaha Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha,sidoo kale waxaa guriga la weeraray laga soo helay Calanka dawladda Itoobiya,Boorsooyin iyo agab kale, in kastoo ciidamadda eysan ku guuleysan in ninkaan soo qabtaan,waxa uuna watay todobo nin oo ilaala u ah kuwaaso markii dambe u baxsaday dhinaca magaaladda Feer-Feer ee gudaha Itoobiya halkaaso la xaqiijiyey inuu hadda dib ugu laabtay uuna ku sugan yahay. Ciidamadda Sahanka iyo Sirdoonka ee XDS ayaa Geneey ku raad joogay mudooyinkii dambe,waxayne isku dayeen guri ey dad shacab ah ku noolaayeen iney ka soo qabtaan ninkii ey raadinayeen iyagoo aan wax dhibaato ah u geysan dadka shacabka ah. Sida la sheegay hawlgalkaan lagu weeraray Guriga ninka sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State ayaa waxaa fuliyey Ururka Sahanka iyo Sirdoonka ee XDS kuwaaso doonaayey iney gacanta ku soo dhigaan ninka baxsaday ee lagu magacaabo Geneey. Dhinaca kale,hawlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaay Xeer Ilaalinta CQS ee Soomaaliya waayo waxaa yaalo galka dacwada ee Geneey oo ku eedeysan inuu soo hogaaminaayey Itoobiyaan,dhisaayey ciidamo maleeshiyaad ah,waxa uu abuuraayey iskuna dayaayey in G/Hiiraan uu ka hawlgeliyo ciidamo taageersan Itoobiya. Dalka Itoobiya ayaa hadda diyaar u ah inuu ciidamadiisa ka tirsan ATMIS kala baxo dalka Soomaaliya dhammaadka sannadkan-2024-ka,balse Itoobiya ayaa isku dayeyso iney yeelato xogag iyaga ka amar qaata kana hawlgala gudaha Soomaaliya gaar ahaan Goboladda Gedo,Bakool iyo Hiiraan oo dhaamntood ku teedsan Xuduudka benaadka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Hawlgalka lagu beegsaday guriga Geneey ayaa ah midkii ugu horeeyey oo nuuciisa ah ey qaadaan Ururka Sahanka iyo Sirdoonka ee CXDS iyagoo ilaalinaayo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed laguna baacsanaayo shaqsiyaadka xiriirka la leh Itoobiya kuwaaso doonaayo iney gudaha dalka Soomaaliya ka abuuraan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo fuliya danaha dawladda Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Itoobiya ey isku dayeyso iney ciidamo maleshiyaad ah ka sameysato gudaha dalka Soomaaliya si ey uga horyimaadiin DFS,hubkana isugu dhiibto qabaa’ilka Soomaaliyeed ee dega goboladda Xuduudka saaran. In Itoobiya faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya ayaa ah mid u baahan waqti iyo in la helo halyeeyo ka difaacda qarankooda una hura dhiigood ee aan noqon caada qaatayaal burburiya dalkooda Hooyo.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

NISA OO FULISAY HAWLGAL LAGU DILAY ILAA….

Next
Next

SOOMAALIYA IYO JABAAN OO KALA SAXIIXDAY HESH…