NISA OO FULISAY HAWLGAL LAGU DILAY ILAA….

(SAWIRKA)-NISA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamo ka tirsan Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ey fuliyeen hawlgal Qorsheysan kaaso lagu bartilmaameedsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso isku urursanaayey goob qarsoodi ah una dhaw degaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeeladda Dhexe maamulka Hirshabeelle. Sida ey sheegtay NISA hawlgalka ayaa lagu dilay ilaa 20-Dagaalyahan kana tirsan kooxda Alshabaab,waxaane la soo werinayaa in goobta la weeraray ey ahayd goob lagu keydinaayey hub aad u fara badn iyo waxyaabaha Qarxa waayo waxaa ka ka kacay dab aad u xoogan weerarka ka dib kaaso marba marka ka dambeysa sare u sii kacaayey. War ey soo saartay NISA ayey ku tiri”Hwlgalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal Alshabaab ah ey isugu yimaadeen goobo fariisin qarsoodi ah iyaga u ahayd,xilli Sirdoonka Qaranku uu si dhaw ula socday dhaqdhaqaaqood”. Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa mid hakad uu ku yimid tan iyo markii uu aad u sii xumaaday xiriirka Siyaasadeed ee u dhexeeyo dalalka Soomaaliya Itoobiya waayo DFS ayaa tuhunsan in ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS iney sirta siiyaan kooxda ALshaaab taasne ey keentay in jab xoogan uu soo gaaro Ciidamadda DFS.

ISHA-SNA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO DIB LOOGU SOO CELIYEY….

Next
Next

MADAXWEYNIHII HIIRAAN STATE OO BAXSADAY.