SHIR KA DHACAY QAAHIRA OO LOOGA HADLAY..
(SAWIRKA)-REYSALA WAASRE DHAAY OO SHIR KA QEYBGALAY.
(QAHIRA)-Wararka aan ka heleynoo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Ku-Xigeenla Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/salaam Cabdi Cali(Dhaay) uu maanta si rasmi ah u daah furay shir looga hadlaayo kor u qaadista arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya kaaso ka dhacaayo caasimadda Masar ee Qaahira. Kulanka ayaa si gaar ah waxaa diradda loogu saari doonaa sidii loo maalgelin lahaa Horumarka magaalooyinka. Md.C/salaan Dhaay oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in mashruucaan uu si gaar ah u xoojinaayo guriyeynta dadka Barakacaayasha ah iyo sidii loo siin lahaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo ey kaga bixi karaan xaaladaha adag ey ku nool yihiin. Kulankaan oo ey ka soo qeybgaleen khubaro,Hayaddo Caalami ah iyo Aqoonyahano ayaa waxaa looga hadlay fursadaha iskaashi ee loo abuuri karo Xalalka Waara ee Soomaaliya,iyadoo xooga la saaraayo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka Barakacayaasha iyo Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka dalka Soomaaliya.
ISHA-SNTV.