SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA, KENYA IYO SUUDAAN MAXAA KALA HAYSTA?

(SAWIRKA)-KHARIIDADA GEESKA AFRIKA.

(NAIROBI)-Geeska Afrika waxaa soo food saartay laba qalalaase diblomaasiyadeed,Soomaaliya waxa ey u yeertay safiirkeedi fahdiyey dalka Itoobiya halka Suudaan ey u yeeratay safiirkeedii u fadhiyey dalka Kenya. Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka cabanaayo faragelin lagu haayo arrimahaooda gudaha iyo khataro lagu haayo Madax-banaanidooda. Khubarada ayaa ka digaayo in labada xiisadood ee diblomaasiyadeed ee midi u dhexeeyso Kenya iyo Suudaan mida kalane ey u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya,labadaan arrimood waxa ey halis gelin karaan xasiloonida Gobolka Geeska Afrika oo hadda la daalaa dhacaayo Abaaro iyo Daadad ey sababeen Roobabka ka da’ay Gobolka. Dawladda Suudaan uu horkacaayo Madax Ciidamadda dalka Suudaan Gen.C/fataax AL-Burhani ayaa muujisay sida ey uga xun tahay dalka Kenya ka dib markii ey dawladda Kenya si diiran ey dalkeeda ugu soo dhaweysay Madaxa ciidamad ka soo horjeedo ciidamadda dalka Suudaan Maxamed dagalo(Hemedti). Gen.Burhani ayaa dalka Kenya waxa uu arkaa iney u xaglineyso dhinaca Daglo waxa uuna Ururka IGAD ka dalbaday in dalka Kenya yuusan qeyb ka noqon dhexdhexaadinta jananada isku haayo talada dalka Suudaan.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DUQEYN EY KU HALAAGSAMEEN HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH.

Next
Next

MARAYKANKA OO QARIYEY XANUUNKA WASIIR AUSTIN…