DUQEYN EY KU HALAAGSAMEEN HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH.
(SAWIRKA)-AUN-TALIYE SUUL-NUUGE.
(MUDUG)-Wararka ka imaanayo Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in halkaasi maanta ey isku fara saareen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Macaawiisleyda oo dhinac ah iyo kooxda Alshabaab oo dhinaca kale ah,dagaalka maanta ayaa yimid ka dib markii laga war helay in kooxda Alshabaab ey isku urursadeen dhul hawd ah una dhaw degaankii horay loogu dagaalay ee Jeex-Jeexa waxaane kooxda Godadkii ey halkaasi ka qoteen ugu dhacay ciidamadda gaarka ah ee Gor-Gor,waxaane dagaalkii maanta ku shahiiday Taliyihii Guutada 18-aad ee ciidamadda Gor-Gor Suul-Nuuge alle ha u Naxariisto. Goobaha la sheegay in dagaalka uu maanta ka dhacay cawwana la duqeyey ayaa kala ah-(1)-Teendhaale. (2)-Qara Weyn. (3)-Samatar Madaw. (4)-Lebi Kandiilo,kooxda Alshabaab ayaa waxa ey halkaasi ka qoteen Godad ey kaga dhuuntaan duqeynta diyaradaha balse ciidamadda Gor-Gor ee uu tababaray dalka Turkiga ayaa u awood sheegtay Alshabaabkii ku sugnaay halkaasi kana wada saaray Godad ey isku qarinayeen. Goor dambe oo maanta ah ayuu Taliska Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo Saaxibadda Caalamiga ah waxa ey duqeymo dhinaca cirka ah ka gaysteen dhul la sheegay in Alshabaab ku dhuumaaleysanayey waxaane halkaasi kooxda Alshabaab looga dilay seddex Horjooge oo aad Qaali ugu ahaay kooxda Alshabaab in kastoo aan weli la soo helin magacyadooda,dhinaca kale,CXDS ayaa sheegay in kooxda duqeyntii dhacday uga dhinteen ilaa 26-maleeshiyo,waxaane gantaal lala helay Gaari la sheegay iney ka buuxeen waxyaabaha Qaraxa kaaso ololkii ka baxay uu saameeyey goobtii la duqeeyey. Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa u adkaysan kari waayey weerarada cirka iyo dhulka ah ee ku soo bilawday saakay aroortii hore kuna socda ilaa caawa waxayne dantu baday iney dibadda ka yimaadaan Godadki ey ku dhuumanayeen muddoyinkaan dambe. Koonfurta Gobolka Mudug waxa ey hooy u ahayd Horjoogayaasha Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Alshabaab waxa eyna u kala qeybsamaan kuwa bixiyo tababarada iyo kuwa farsameeyo Qaraxyada lagu laayo shacabka Soomaaliyeed,Horjoogayaasha Ajaanibta ah ayaa la sheegay iney ka soo kala jeedaan dalalka Usbakistaan,Tajakistaan,Jeejniya,Seerbiya iyo Boosniya dhammaantood ayaa dalka Soomaaliya ka soo galay dhinaca dalka Yeman ayagoo soo maray dhinaca badda waqtigi Alshabaab ey xukumeysay degmada Xaradheer ee Gobolka Mudug. Dagaaladdii ka dhacay Camaara,Jeex-Jeexa iyo Caad ayaa Ajaanibta waxaa uga dhinta ilaa sideed ka mid waxaane uga dhaawacmay ilaa 13-kale una badnaay tababarayaal.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.