MARAYKANKA OO QARIYEY XANUUNKA WASIIR AUSTIN…
(SAWIRKA)-WASIIRKA G/DHIGA MARAYKANKA AUSTIN.
(WASHINGTON)-Xubnaha Koongreeska Maraykanka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga(Pentagon) dalka Maraykanka ayaan maalmo ka warqabin in Xoghayaha Difaac Maraykanka Lloyd Austin la dhigay Isbitaalka tan iyo maalintii Isniintii,saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa sidaas sheegay maanta oo Sabti ah ayadoo su’aalo la iska weydiinaayo xaaladiisa caafimaad iyo sirta ku xeeran. Ma cadda markii Aqalka Cad iyo Saraakiisha kale ee Muhiimka ah ee Maraykanka loo sheegay joogistiisa xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed ee Bethesd Gobolka Maryland. Ku guula daraysiga Wasaaradda Gashaandhiga(Pentagon) ee ah iney shaaca ka qaado Isbitaalka Austin ee maalmo ka soo wareegtay ayaa ka tarjumaysa daahfurnaan la’aanta la yaabka leh oo ku saabsan xanuunka Austin iyo sida uu u daran yahay iyo goorta laga soo saaraayo Isbitaalka. Qarsoodi nuucaan oo kale ah xilli dalka Maraykanka uu ka hortegaayo qalalaasaha amniga qaranka ee tirada badan,waxay ka soo horjeedaa dhaqanka caadiga ah ee Madaxweynaha iyo Saraakiisha sarsare ee kale ee Maraykanka ah iyo xubnaha Golaha Wasiiradda dalka Maraykanka.
ISHA/AP.