TURKIGA OO XABSIGA DHIGAY BASAASIIN CARAB AH.
(SAWIRKA)-ASTAANTA SIRDOONKA DIBADDA ISRAEL(MOSSAD).
(ISTANBUL)-Maxkamad ku taalo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa amartay in 15-qofood oo ka mida 34-qofood oo loo haysto eedeymo ah iney u basaasayeen dalka isra’iil in lagu haayo Xabsiga iyagoo sugaayo Maxkamad,sida uu sheegay Wasiirka Cadalaada dalka Turkiga shalay oo Jimca ahayd gelinkeedii dambe. Dadka la tuhmaayo ayaa la soo xiray maalintii Talaadada iyagoo lagu eedeyey iney qorsheynayeen iney fuliyaan hawlo ey ka mid yihiin Sahmin iyo baacsiga,weerarka iyo afdyuubka mawaadiiinta Ajnabiga ah ee ku nool dalka Turkiga. Wasiirka Cadaaladda Turkiga Yilmaz Tunc ayaa qoraal uu soo dhgay bariisa(X) Twitter ku sheegay in 26-qofood oo la tuhumaayo loo gudbiyey Maxkamada iyagoo lagu eedeyey iney galeen demniga ah Basaasiin siyaasadeed ama Mileteri ayagoo ka wakiil ah sirdoonka dalka Isra’iil ee MOSSAD,11-qofood oo dadkaasi ka mid ah ayaa lagu sii daayey xaalad Maxkamadeed iyadoo sideedna ey sugayaan in laga tarxiilo dalka Turkiga. Hayadda sirdoon dibadda ee Isra’iil(MOSSAD) ayaa la sheegay iney gudaha dalka Turkiga ka qoratay dad ka soo kala jeedo dalalka Falastiin iyo Suuriya kuwaaso qeyb ka ah hawgalka ka dhanka ah Ajanibta ku nool gudaha dalka Turkiga sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga Anadolu.
ISHA/AP.