SOMALIA IYO KENYA OO MAR KALE ISKULA DHICI RABA…
(SAWIRKA)-QAADKA MIRAWGA.
(NAIROBI)-Sida aan la wada socono dalka Soomaaliya waxaa ganacsi ahaan loogu keenaa Qaadka,waxa uuna Qaadka inooga kala yimaadaa dalalka Kenya(Miiraw) iyo Itoobiya(Harari),labadaan nuuc ee Qaadka ah ayaa dalka Soomaaliya la kala jecel yahay waxaane si gaar ah dalka Soomaaliya looga jecel yahay Qaadka Miraw-ga ee laga keeno dalka Kenya. Xukuumaddii uu hogaaminaayey MW-Farmaajo waxa ey maglaada Muqdisho ka mamnuucday in la keeno Qaadka dalka Kenya(Miraw) waxaane fursad la siiyey Qaadka laga keeno dalka Itoobiya(Harari),hadaba markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dib loo furay ka ganacsiga Qaadka dalka Kenya(Miraw) waxaane suuqa si fudud uga baxay Qaadka laga keeno dalka Itoobiya(Harari),hadaba maxaa dhacay? Ganacsatada Qaadka Itoobiya(Harari) waxa ey si xeeladeysan heshiis ula gashay DFS waxa eyna ka soo dhamaysteen in 10-maalmood suuqa Qaadka aan la keenin Qaadka ka yimaado dalka Kenya(MIraw),arrintaan ayaa waxaa ka qeyliyey Ururka ey iska leeyihiin Beeraleyda Qaadka dalka Kenya waxa ey dacwad u gudbiyeen dawladda Kenya si ey arrintaan wax uga qabato.
ISHA/DAILY NATION.