ECOWAS OO XOOG KU GELI DOONTO DALKA NIGER.

(SAWIRKA)MADAXWEYNE BAZOUM.

(NEIMY)-Hogaamiyeyaasha Galbeedka Afrika ayaa dib u dhigay shir ku saabsan sidey ugu gogol xaari lahaayeen fadhi guud ey yeelan lahaayeen Hogaamiyeyaash Afrikada Galbeed maanta oo Sabti ah kuna saabsan Afgembiga dalka Niger ka dib markii hogaamiyeyaasha ey isku raaceen sidii loo dedejin lahaay dib u soo celinta kala dambaynta dastuuriga ah sida ugu dhaqsiyaha badan. Urur goboleedka Galbeedka Afrika ECOWAS ayaa ogolaaday in la adeegsado awood Militeri sidii xukunka loogu soo celin lahaay Madaxweynihii hore ee dalka Niger Maxamed Bazoum kaaso ey afgembiyeen qaar ka mida ilaaladisa bishii Luuliyo(26/7/23)-ka. Taliyeyaash ciidamadda wadamadda ku wada bahoobay Ururka ECOWAS ayaa maanta oo Sabti u balansanaay iney ku wada kulmaan caasimadda dalka Gaana ee Akra balse waqti dambe oo maanta ah ayaa la shaaciyey inuusan dhici doonin shirkii Akra sababo farsamo awadeed. Dhinaca kale,hayadda u doodo xuquuqda daka Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidmadda afgembiyey Madaxweyne Bazoum ey si xun ula dhaqmeen wiil uu dhalay Bazoum oo 20-jir ah eyna u gaysteen jirdil aad u fool xun.

ISHA/WORLD NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOMALIA IYO KENYA OO MAR KALE ISKULA DHICI RABA…

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY GANACSATO…