MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY GANACSATO…
(SAWIRKA)-AQALKA CAD E MARAYKANKA.
(USA)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Jimca ah(11/8/23)-ka waxa uu cunaqabateyn cusub saaray afar nin oo ganacsato ah una dhalatay dalka Ruushka iyo dhawr hayadood oo ka tirsan xukuumadda Ruushka,cunaqabateyntaan cusub ayaa lagu sababeyey in ganacsatada Ruushka ah ey dhaqaalo iyo talo siin ku deeqeen dawladda Ruushka ee dagaalka kula jirto dalka Yukrayn. Afarta ganacsato ee lagu xusay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Lacagta Maraykanka ayaa ku xiran kooxda Maaliyadda iyo Maalgashiga ee Conglomerate ee Alfa Group iyo Midawga Ganacsatada Ruushka.
ISHA/ARAB NEWS.