SHIRKA MAXAAS MAXAA LAGA FILAN KARAA?
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO CALI JEYTE CISMAAN.
(MAXAAS)-Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa weli si habsami ah uga socdo shir aan waxba la isula harin una dhexeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo deris ka wada ah degmada Maxaas. Ujeedka shirka Maxaas ayaa lagu sheegay inuu yahay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah ee kooxda Alshabaab kaaso hadda ka socdo Maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele,dagaalka Alshabaab ayaa hakad galay ka dib markii qaar ka mida Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ey soo baneeyeen furimaha dagaalka sida C/buur.Wabxo,C/dheer,BudBud Galcad iyo Mesagawaay.
ISHA/BBC-SOMALI.