SARAAKIIL KA TIRSAN GORGOR OO XABSIGA LAGA DAAYEY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA GORGOR.

(MAXAAS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud haddane ku sugan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil Militeri oo ku eedeeysan iney ciidamadda ka soo saareen furumaha dagaalka,MW-Xasan ayaan xusin tirada saraakiisha Militeri ee la xiray inta ey la eg yihiin balse sharciga la horgeeyn doono dhawaan. MW-Xasan ayaa yiri”Iskuma darsana ciidamadu kuwa ka baxay furumaha dagaalka ee iska aaday Xamar waxa eyna horay usii gadeen qorigii loo siiyey iney cadawga kula dagaalamaan iyo kuwa jooga furumaha dagaalka ee hor fadhiya cadawga khawaarijta”. Dhinaca kale,waxaa shalay oo Isniin ahayd Muqdisho lagu xiray seddex taliye oo ka wada tirsan Guutada 18-aad ee xoogaga GorGor, waxa eyna taliyeyaasha la xiray shalay ey kala yihiin (1)-Taliye Mahad Alle oo ah taliyaha Ururka 7-aad ee GorGor. (2)-C/weli Juun oo ah taliyaha Ururka 9-aad ee GorGor iyo (3)-C/Kaafi oo ah taliyaha Ururka-10-aad,baaris qaadatay 24-saacadood ka dib ayaa waxa ala sii daayey taliyeyaash C/weli iyo C/kaafi waxaane weli baaris ey ku socota taliye Mahad alle.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIRKA MAXAAS MAXAA LAGA FILAN KARAA?

Next
Next

MASKAXDI KA DAMBAYSAY WEERARKI GARISA.