MASKAXDI KA DAMBAYSAY WEERARKI GARISA.
(SAWIRKA)-WEERARKI GAARISA.
(NAIROBI)-Booliska dalka Kenya oo kaashanaayo Hayadda Sirdoonka Kenya ee (NIS)ayaa baaraayo sida nin Soomaali ah loogu xiray gudaha magaaladda Caasimadda ah ee Nairobi isaga oo sameynaayo khiyaano,ninkaan ayaa magaaladda Nairobi u yimid sidii uu u heli lahaay warqadda aqoonsiga(ID)-da ee uu iska leeyahay ninkii lahaay maskaxdii ka dambaysay weerarkii aragagixiso ee ka dhacay Jaamicadda Gaariisa taaso ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 148-qofood bishii Abriil sannadkii 2015-kii. Ninka sameynaayey khiyaanada ayaa lagu magacaabaa Cabdi yuusf cali waxaane lagu helay isaga oo wata Warqadda Aqoonsiga ee uu iska leeyahay Maxamed Kuno magaciisa afgarashadana uu yahay Sheekh Maxamud ama Dulyadeeyn ama Gacma dheere.
ISHA/DAILY.