KANADA: XAFLAD AROOS OO ISU BEDESHAY MURUGO.

(SAWIRKA)-BOOLISKA CAASIMADDA OTTOWA EE DALKA KANADA.

(OTTOWA)-Wararka ka imaanyo caasimadda dalka Kanada ee Ottowa ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar ey gaysteen dad hubaysan weerarka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad la sheegay iney ku sugnaayeen goob ey ka dheceysay xaflad Aroos, sida ey xaqiijiyeen ciidamadda booliska caasimadda Ottowa waxaa weerarkaasi ku geeriyoday laba qofood oo dhallinyara Soomaaliyeed ah lana kala yiraahdo Saciid Maxamed Cali oo 26-jir ah iyo C/shakuur Cabdi Daahir oo 29-jir ah.labadaan wiil ee dhallinyarada ah ayaa la sheegay iney ka yimaadeen magaaladda Toronto si ey uga qeybgalaan xafladda Arooska ah ee isu bedeshay xaflad muruga ah.

ISHA/THE GLOBE AND MAIL.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MASKAXDI KA DAMBAYSAY WEERARKI GARISA.

Next
Next

WASIIR C/RISAAQ OO FAAHFAAHIN KA BIXIYEY…