SHIRKA BRUSSELS EE BISHA SOO SOCOTO MAXAA…

MIDAWGA YURUB.

(BRUSSELS)-Dalal badan oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa waxa ey u dhaqmaan sida uu u dhaqmo dalka Ingiriiska marka laga hadlaayo dadka Qaxootiga ah ee soo gaara dalkiisa,Tusaale ahaan dalka Denmark waxa uu ka mid yahay dalalka geeyo wadan kale dadka megangalyo doonka ah ee soo gaaro dalkiisa inta laga soo dhammaystiraayo macaamilada qofka megangalyo doonka ah waa sida ey sheegeen,hadaba arrintaas mid si aada ah uga duwan ayaa waxaa soo wado Midawga Yurub,waayo qoraal maanta oo Sabti ah ku soo baxay Wargayska The Guardian ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay arrinta Midawga Yurub damacasan yahay,waxa uuna Wargaysku yiri Midawga Yurub ayey waajib ku tahay inuu isticmaalo Horumarinta Kaalmada uu bixiyo,Siyaasadda ganacsiga iyo awood u yeelashada dal ku galada ilaha u ah wadamada aan ka mid ahayn Midawga Yurb kuwaaso loo qaadanaayo ineey yihiin kuwa ku guul dareystay ineey dib ugala noqdaan Mawaadiniintooda ineey ku noolaadaan si sharci ah gudaha wadamada Midawga Yurub marka loo fiiriyo wasafaaxadeed uu arkay wargayska The Guardian. Hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midawga Yurub ayey waajib ku tahay ineey ogaadaan qorshaha fadhiga ka dhici doono Brussels caasimadda dalka Biljam bisha soo socoto,ganacsiga iyo dal ku galada isla markaasne fursado u ah Muhaajiriinta sharciga ah sida ayagoo ka helay fursad dalkii asal ahaan ey ka soo haajireen.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY MARAYKANKA.

Next
Next

DABAYLO XOOGAN OO DAD KU DILAY…