DABAYLO XOOGAN OO DAD KU DILAY…

GOOBIHII EY KU DHUFATAY DABAYSHA CHENESO.

(TANANARIVO)-Tirada dadka ku dhintay goobo kala gedisan ey ku dhufatay dabaysha CHENESO ee dalka Madagaskar ayaa kor u kacday waxa eyna gaartay 24-qofood waxaane la la’ayahay 21-qofood oo kale,sidaas waxaa sheegtay xukuumadda Madagaskar. Dabaysha Cheneso ayaa markii ugu horeysay waxa ey ku dhufatay Waqooyi-Bari dalka Madagaskar 19/1/23-ka ka dib markii uu da’ay roob xoogan oo sababay daadad u gudbay Koonfur-Galbeed ee dalka Madagaskar. “Intaaso dhan ka dib,Dabaysha Cheneso waxa ey raad ku yeelatay 17-Jaziiradood oo ku yaalo 22-gobol”sidaas waxaa sheegay xafiiska maareynta Musiibooyinka iyo Mushkiladaha dabiiciga ah habeenimadii shalay oo Jimca ahayd.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHIRKA BRUSSELS EE BISHA SOO SOCOTO MAXAA…

Next
Next

QAARADDA AFRIKA OO LOOGU DEEQAY…