QAARADDA AFRIKA OO LOOGU DEEQAY…
MADAXDII AFRIKA.
(DAKAR)-Saaxibadda kaalmeeyo Qaaradda Afrika ayaa ugu deeqay dhaqaale dhan $30-Bilyan oo doolar shalay oo Jimca ahayd,lacagtaan ayaa loogu talagalay horumarinta beeraha iyo cuntada Qaaradda Afrika inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socoto. Ku dhawaaqidda lacagtaan ayaa timid ka dib markii la soo gabagabeeyey shir looga hadlaayey cuntada Qaaradda Afrika oo ka dhacay caasimadda dalka Senigaal ee Dakar. Toban milyan oo ka mida lacagtaan ayaa loo wareejiyey Maalgashiga Qaaradda Afrika waxaane la dhiga Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika(ADB),labaatanka milyan ee soo hartayne waxaa lagu taageeri doonaa sidii wax looga bedeli lahaay beeraha Qaaradda Afrika.
ISAH WARKA AA.