SHIR JARA’ID UU QABTAY GUD.XSKC MD.CALI SHIINE.
MW-XSKC OO QABTAY SHIR JARA’ID.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey dhacday Doorashadii xorta iyo Xalaasha ahayd bishii ina soo dhaaftay 22/2/23-ka laguna doortay Gudoomiye Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiine) ayaa waxaa bilaabaty in Gudoomiyaha loo soo diro Hambalyo is daba jooga ah kagana imaanaysay xiriirada Kubadda Cagta ee ka jira dunida daafaheeda sida FIFA,CAF iyo CECAFA Hambalyadii ugu dambaysana waxa ey ka soo gaartay CAF taaso soo gaarta shalay. Gudoomiye Cali Shiine oo arrintaas ka jawaabayo ayaa waxa uu maanta oo Arbaca ah 8/3/23-ka qabtay shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyey waxa uuna Gudoomiyaha kaga hadlay arrimo fara badan oo khuseeyo Kubadda Cagta waxa uuna Gudoomiyuhu sheegay in Kubadda Cagta la gaarsiin doono ilaa Tuulada ugu Yar ee dalka Soomaaliya.
ISHA WARKA SBMEDIA.