RW-XAMSA OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY….
RW-XAMSA CABDI BARRE.
(MUQDISHU)-Tan iyo markii la soo dhisay xukuumadda uu hogaaminaayo RW-Xamsa Cabdi Barre waxa jiray muran soo jiitamaayey kana dhex jiray Wasaaradaha Qaarkood sida Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasaaradaan ayaa waxaa Wasiir ka ah Xildhibaanad Marwo Fardawsa Cigaal waxa eyna Wasiirada dhawr mar isqabteen Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradaas Gen.Sulub oo hadda ah Taliyaha Booliska Soomaaliyeed waxa eyna hadane Wasiiradu isqabteen Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Xildhibaan Caanagnuug waxaane shaqadiisa iska casilay Xildhibaan Caananuug. Arrintu waxa ey soo jiitantaba waxa ey maanta taagan tahay in shaqo joojin lagu sameeyo HAYADDA DUULISTA RAYIDKA SOOMAALIYEED(HDRS) lana faro Wasiiradda ineey keento habraac wax lagu maamulo sida ugu dhaqsiyaha badan.
ISHA WARKA C/N.