BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.

BJFS.

(MUQDISHU)-Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed(BJFS) ayaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 8/3/23-ka yeeshay Kalfadhigiisii labaad kulankiisii 27-aad,Ajandaha kulanka maanta ee BJFS ayaa ahaay,Akhrinta seddexaad iyo codaynta Hindisa Sharciyeedka La dagaalanka Argagixisada,Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Degaanka iyo Hindise Sharciyeedka Dhawrista Xogta. Dood dheer ka dib waxaa loo codeeyey seddexdaas Hindise Sharciyeed,Hindisa Sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxaaa u codeeyey 133-xildhibaan waxaa diiday 3-xildhibaan waxaane ka aamusay 7-xildhibaan. Hindisa Sharciyeedka Dhawrista Xogta iyo Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Degaanka waxaa u codeeyey 143-xildhibaan oo ah intii soo xaadirtay kalfadhiga maanta. Golaha ayaa akhrintii labaad marsiiyey Hindisa Sharciyeedka Horumarinta Maareynta Kallumaysiga Soomaaliyeed waxaane u dhiman hal akhrin iyo ansixinta si uu u dhaqangalo,dhamman Hindisa Sharciyeedyada la Ansixiyey maanta ayaa waxaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare ee BJFS ka dibne Madaxweynaha si uu u saxiixo.

ISHA WARKA SBMEDIA.

Previous
Previous

RW-XAMSA OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY….

Next
Next

CAF OO U HAMBALYEYSAY MW-CALI SHIINE.