CAF OO U HAMBALYEYSAY MW-CALI SHIINE.

MADAXWEYNAHA XSKC MUDANE CALI CABDI MAXAMED(CALI SHIINE).

(CAF)-Shalay oo Isniin ahayd ayuu Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka(FIFA) waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u soo diray Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta(XSKC) Mudane Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiine),Mudane Cali Shiine ayaa waxaa doortay Congreeska XSKC 22/2/23-ka,waxa eyna doorsahadaasi ka dhacady Hotel Elite ee magaaladda Muqdisho. Hadaba Maanta oo Talaada ah ayaa hadane waxaa Hambalyo u soo diray Mudane Cali Shiine Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika(CAF) Dr.Partice Motsepe,waxa uuna Dr.Motsepe sheegay inuu Mudane Cali Shiine u soo diraayo erayo xambaarsan Hambalyo isaga iyo gudiga Fulinta ee XSKC. Dr.Motsepe ayaa dhambaalkiisa ku yiri”WAAN KU FARAXSANAHAY IN CONGREESKA XIRIIRKA SOMAALIYEED EE KUBADDA CAGTA XUBNIHIISA INEEY DOORTAAN CALI SHIINE INUU NOQDO MADAXWEYNAHA XSKC IYO INUU SI RASMI AH UGU ADEEGO DALKA SOOMAALIYA” Waa farxadeyda inaan si daacadnimo ku jirto ugu Hambalyeyo doorashada lagu doortay Madaxweynaha XSKC,doorashadaaso dhacday 22/2/23-ka kana dhacaday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdiso,sidaas waxaa qoraalkiisa Hambalyada ahaay ku xusay Madaxweyanah Xiriirka Kubadda Cagta Afrika(CAF) Dr.Patrice Motsepe.

ISHA WARKA SBMEDIA.

Previous
Previous

BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.

Next
Next

FALAAGA M23 OO KU DHAWAAQDAY XABAD…