GUDOOMIYAHA KUBADDA CAGTA G/BANAADIR OO…
GUDOOMIYAHA KUBADDA CAGTA GOBOLKA BANAADIR-HAARUUN CABDI MAXAMED(SAWIRKA).
(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho ee ah Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si habsami uga socdo Tartanka Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degaanada ku hareereysan Gobolka Banaadir, Tartankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Gudoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir Md.Haaruun Cabdi Maxamed, hadaba kulan ka dhacay garoonka Eng.Yariisaw ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banadir lixdii bishaan(6/3/23) eyna isaga horyimaadeen kooxo ka kala socday Balcad Vs Gubaley, kulankaan ayaa waxaa ka dhacay khalad farsamo ey sameeysay kooxdii ka socotay Degmada Balcad. JEYLAANI CALI MACAW ayaa kooxda Balcad waxa uu ugu qornaay inuu u yahay Goolhaye balse kooxda ayaa Jeylaani ka ciyaarsiisay dhexda kulankii ey la ciyaartay Gubadley sidaas darteed qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Kubadda Cagta B/Banaadir Md.Haaruun ayaa lagu sheegay in seddexdii dhibcood ee kualnkaas la siiyey kooxdii Gubadley waayo kooxda Balcad ayaa jebisay (Qod.13.1) ee tartanka kubadda cagta bobolka Banaadir iyo degaanada ku dhaw.
ISHA WARKA SBMEDIA.