SHIL KA DHACAY TURKIGA UUNA KU LUG YEESHAY WIILKA MW-XASAN SHEEKH.

(SAWIRKA)-SHIL KA DHACAY TURKIGA.

(ISTANBUL)-Wararka laga helaayo magaaladda Istanbul ee dalkaTurkiga ayaa sheegaayo inuu halkaasi ka dhacay shil baabuur uu ku lug leeyahay wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lana yiraahdo Maxamed,shilkaan oo ka dhacay magaaladda Istanbul ayaa waxaa ku geeriyooday nin watay Mooto una dhashay dalka Turkiga,waxa uuna shilka dhacay 30/11/23-ka. Sida la sheegay shilka ayaa waxa uu ka dhacay halka looga baxo Gurasia Tunnel waxaane shilkaasi ku dhintay nin lagu magacaabo Yunus Emre Gocer. Waqtiga uu dhacaayey shilka ayaa waxaa duubtay Kaamerada Qarsoon ee CCTV-da taaso laga daawaday shilka uu sida xun ugu dhaawacmay Gocer kaaso markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Gocer waa 38-jir kuna socday Mooto mareysay wadada Kennedy Avenue kuna jeeda Zeytinburnus, Gocer ayaa hoos u dhigay xawaaraha Mootadiisa iskuna dayey inuu ka baxo wadada si uu Mootada u istaajiyo meel Gees ah,Nasiib darro,Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiilka Madaxweynaha Soomaaliya oo watay gaari ey taargadiisu tahay 06CD5481,sida muuqatana gaariga ayaa ah mid ey iska leedahay Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga,gaariga ayaa waxa uu gadaal uga dhacay Mootadii uu watay ninka Turkiga ah,booliska Turkiga ayaa waxa ey su’aalo weydiiyeen Maxamed Xasan Sheekh waane ey sii daayeen ka dib markii ey dhammeeyeen waraysigoodii,warar ayaa shegaayo in ninka u dhashay Turkiga kuna dhintay shilka uu dhumiyey Ogaalkiisa ka hor shilka inta aanuu dhicin.

ISHA/DAILY NATION.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WIIL UU DHALAY MW-XASAN SHEEKH OO LA SAARAY XAYIRAADA SAFAR.

Next
Next

MUCAARADKA PUNTLAND MUXUU KA YIRI ARRIMAHA DOORASHADA.