WIIL UU DHALAY MW-XASAN SHEEKH OO LA SAARAY XAYIRAADA SAFAR.
(SAWIRKA)-SHIL KA DHACAY TURKIGA.
(ISTANBUL-TURKY)-Wararka laga magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga maanta oo Jimca ah ayaa sheegaayo in wiil uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lu yeeshay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac gudaha magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga,shaqsi u dhashay dalka turkiga ee ku dhintay shilka baabuur ayaa lagu magacaabaa Yunus Emre Gocer 30/11/23-ka,waxa eyna Maxkamadda Istanbul ee arrintaan gacanta ku haysa xayiraad safar ku soo Maxamed Xasan Sheekh oo wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud. Khamiist ey bisha Nofembar ahayd sodonka(30/11/23)-ka duhurnimadeedii ayuu wiilka Md.Xasan waxa uu baabuurkii uu watay uu dhacay Mooto uu watay Yunus Gocer waxaane halkaas ka dhashay dhaawac iyo dhimasho soo gaaray dadkii saarnaay Mootada. Gocer oo watay Mootada ayaa wadadad ka baxay ka dib markii uu gadaal uga dhacay baabuurka uu watay wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxaane Gocer soo gaaray dhaawac culus dhaawacii ayuuna Gocer ugu dhex geeriyooday Isbitaalkii la geeyey markii u dhacay shilka. Ninka shilka ku dhintay ayaa ah aabe leh laba caruur ah kuwaaso mid ka mida uu yahay Naafo,Gocer ayaa halgankiisa nolosha ey ku soo afjarantay Isbitaalka taariikhdu markeey ahayd 6/12/23-ka,maalin ka dib kuna beegneed 7/12/23-ka ayey Maxkamada Istabul waxa ey soo saartay Xayiraad dhinaca Socdaalka ah kana dhan wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud. Metin Gocer oo ah aabihii dhalay Yunus Emre Gocer oo la hadlay warbaahinta dalka Turkiga ayaa yiri”Wiilkayga wuxuu ahaay nin xirfad leh oo kaxeeya Mootada,Wiilkeyga waa la dilay,ma ahayn shil. Waxaan rabaa cadaalad,waxaan rabaa in cid kasta oo waday baabuurkii ku dhacay wiilkeyga in ley ciqaabo. Ma doonaayo in dhacdaan la qariyo”
ISHA/HURRIYET.