MUCAARADKA PUNTLAND MUXUU KA YIRI ARRIMAHA DOORASHADA.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA PUNTLAND.

(GARAWE)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa xalay mabda’a ahaan waxa uu taageeray go’aankii ey soo jeediyeen Isimaddii ka socday SSC-da talooyinka Isimadda ayaa ku saabsaneed doorashada Madaxtinimadda Maamul Goboleedka Puntland oo si aad ah u cakirneed mudooyinkaan dambe waxaane la go’aamiyey in doorashada Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ey dhacdo 8/1/24-ka. Dhinaca kale Dalladda Mucaaradka Puntland ayaa taageeray talooyinkii Odayaasha ka socday SSC-da waxaane dib loogu soo laabtay hanaankii soo jireenka ahaa ey Puntland isku dooran jirtay. Hadaba Puntland shacabkeeda maxay uga dhigan tahay in hal meel u wada jihaystaan Mucaarad iyo Muxaafad,mase soo afjari doontaa ismari waagii ka taagnaay siyaasadda Puntland bilihii la soo dhaafay mar haddii baarlamaankii Puntland doonaayo inuu isaga waqti kororsado kaligiis. Dhinaca kale Mucaaradka Punland ayaa soo saaray war saxaafadeed ey kaga hadlayaan halka ey ka taagan yihiin go’aankii Isimadda SSC-da.

ISHA/PP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIL KA DHACAY TURKIGA UUNA KU LUG YEESHAY WIILKA MW-XASAN SHEEKH.

Next
Next

MAXAA BEDELAY MAWQIFKII SICIID DENI?