SHIL DIYAARADEED OO KA DHACAY DALKA IRAAN.
(SAWIR)-KA.IYAARADDII UU LA SOCDAY MADAXWEYNAHA IRAAN IBRAHIMRISI.
(TEHRAN-IRAN)-Wararka ka imaanayo dalka Iraan ayaa sheegayo in shil dhinaca diyaaradaha uu ka dhacay dalkaasi Iraan,shilka ayaa la sheegay inuu dhacay xilli uu Madaxweynaha dalka Iraan Ibrahim Risi uu ka soo laabtay Gobolka Khoda Afarin ee ah Gobolka Waqooyi-Galbeed ee Iraan iyo Bariga dalka Azerbajaan ka dib markii uu Madaxweynuhu xariga ka soo jaray Biyo Xireen laga sameeyey Xadka ey wadaagaan labada dal Iraan iyo Jamhuuriyadda Azerbajaan. Qaar ka mid ah dadkii la socday Madaxweynaha ayaa la sheegay iney la xiriireen xarunta Taliska taaso rajo ka muujisay in shilkaas uusan gaysan wax khasaara ah. Kolonyada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa seddex diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ah,laba ka mid ah ragii weday ey la socdeen tiro Wasiiro ah kana tirsan Xukuumadda Iraan iyo saraakiil kale ayaa si nabad ah u degay. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iraan Xuseen Amiircabdulhayan iyo Hogaamiyihii Salaada Jumcada ee Tabriz Ayatullahi Maxamed Cali Al-e-Hashim ayaa sidoo kale la socday diyaaradda Qumaatiga u kaca ahayd ee uu saarnay Madaxweynaha dalka Iraan Md.Ibrahim Risi. Kooxaha Gurmadka ee ka socday Ururka Bisha Cas ee dalka Iraan,Ciidamadda Mileteriga iyo Booliska ayaa loo daad gureeyey goobta si ey u helaan Diyaaradda Qumaatiga u kaca ee la la’yahay. Dadka degaanka ayaa sheegaaya in xaaladdu eysan kala cadeyn sabbatoo ah degaanka ayaa waxaa ka jiray jawi aad u xun oo dhulka oo dhan waxaa qarisay Ceeryaamo. Iasagoo telfoonka kula hadlaayo Tv-ga dawladda Iraan ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Iraan Axmed Vahidi sheegay in diyaaradda Qumaatiga u kaca ah oo ka mid ahayd kolonyadda Madaxweynaha kana soo laabatay JOLFA ey si adag u degtay,Wasiirka ayaa intaa ku daray in degaanka la geeyey kooxaha Gurmadka bacdamaa cimiladda halkaasi ka jirtay ey ahayd mid ey qariyeen Ceeryaamo.
ISHA/TNM.