PMPF-TA PUNTLAND OO HUB IYO RASAAS KA DHACAY SSC-KHATUMO.

(SAWIR)-KA. HUBKA IYO RASAASTA LAGA DHACAY SSC-KHATUMO.

(GARAWE)-Wararka imanaayo caasimadda maamul Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in ciidamadda Amaanka ee maamulkaas gaar ahaan kuwa uu Tababaray dalka Imaaraatka Carabta ee loo yaqaano PMPF-ta ey ku xadgudbeen maamulka curdinka ah ee SSC-khatumo ka dib markii ey si bareer ah oo aan gambasho lahayn ey u dheceen Hub iyo Rasaas uu iska leeyahay Maamulka SSC-Khatumo ka dibne ey isku sawireen Hubkii iyo Rasaastii waxa eyna ku sheegeen inuu yahay Hub iyo rasaas sharci darra ah loona weday kooxaha Argagixisadda ee ka dagaalama gudaha maamulka Puntland. Arrintaan oo cirka isku shareertay ka dib markii ey maqleen Garaadyadda iyo Isimadda SSC-khatumo,waxaane caasimadda Puntland ee Garawe soo gaaray wafdi balaaran uu hogaaminaayo Garaad Jaamac ey wehliyaan Isimo kale si ey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ey ugala Xaajoodaan Gefka uu gaystay Wiilka Deni uga masuulka ah Hayadda PMPF-ta. Wararka la helaayo ayaa sheeaagyo in Isimadda SSC-khatumo ey la kulmeen MW-Deni waxa eyna u soo bandhigeen sida ey wax u jiraan,waxa uuna Deni balanqaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu Isimadda ugu soo Wareejin doono Hubka iyo Rasaasta ey dhacday Hayadda PMPF-ta Puntland. Waqti hore oo maanta ah ayaa baraha bulshada lagu faafiyey in ciidamadda amaanka Puntland ee PMPF-ta ey qabteen Hub iyo Rasaas sharci darra ah gudaha magaaladda Boosaaso ee G/bari maamulka Puntand. NALA SOCO WIXII KA SOO KORDHO ARRINKAN.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIL DIYAARADEED OO KA DHACAY DALKA IRAAN.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO CAAWA GAARAY DALKA KENYA.