MALEESGIYAADKA ALSHABAAB OO BAXSAD KA AH G/MUDUG.

(SAWIR)-KA.ADEN MACALIN CALI YARAW.

(MUQDISHO)-Waraysi uu bixiyey la taliyaha Amniga Qaranka Md.Xuseen Macallin ayuu ku sheegay in kooxda Alshabaab soo afjarideeda ineysan ka badnaan doonin bilo kooban oo aan loo baahneyn waqti fara badan,waxaa kaloo uu sheegay in Madaxda kooxda Alshabaab ey waqtigaan isu diyaariayaan iney dalka isaga cararaan iyo iney isu soo dhiibaan DFS,waxa uuna caalamka ka dalbaday iney kaalmo ka gaystaan Ajaanibta ka barbar dagaalamaysa kooxda Alshabaab sida laga yeeli lahaay. Md.Xuseen Macallin oo heyb ahaan aad ey isugu dhaw yihiin Afhayeenka kooxda Alshabaab Cali Maxamud Raage(Cali-dheere) ayey dad fara badan waxa ey aaminsan yihiin in Xuseen Macallin uu xoggo badan ka haayo kooxda Alshabaab oo hadda isugu ururtay Degmooyinka Galhareeri iyo C/buur oo labaduba ka tirsan G/Galgaduud ee maamulka Galmudug. In kooxda Alshabaab laga xureeyo maamuladda H/shabeele iyo G/Mudug waxa ka harsan ayaaba iska ah labadaas degmo iyo dhawr tuulo ey kooxdu kaga dhuumaaleysaneyso G/Mudug iyo H/shabeele,marka laga eego dhinac kalane waxaa cad in kooxda Alshabaab ey ka soo baxsanayaan dagaalyahano fara badan kana soo jeedo Goboladda Koonfuureed ee dalka Soomaaliya kuwaaso bilaabay iney isu soo dhiibaan ciidamadda xooga dalka iyo xoogagaga degaanka. Adan Macallin Cali Yaraw,waxa uu ka tirsanaay kooxda Alshabaab kuwooda ku dhuumaleysanayey Koonfurta G/Mudug waxa uuna maanta isu soo dhibay ciidamadda Qaranka iyo kuwa degaanka kuwaaso hawlgal ka weday Aaga degmada X/dheere ee G/mudug. Adan Macallin Cali Yaraw ayaa iska soo dhiibay degaanka loo yaqaano Baraagta-Gurguurte oo hoos timaado degmada X/dheere,waxaane lagu loo soo dhaweeyey gacmo furan, Adan ayaa sheegay sababta keentay inuu isaga soo cararo kooxda Alshabaab iney tahay isaga oo u adkeysan waayey Nolosha kooxda ku haysata Duurka iyo hawlgaladda ka dhanka ah ee ka socdo aaga uu iska oo dhiibay. Sidoo kale waxaa isna isu soo dhiibay ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamadda degaanka Maxamuud Axmed Janaay kaaso magaciisa afgrashadda uu ahaay C/xamiid,waxa uuna Maxamuud si gaar ah uga tirsanaay maleeshiyaadka ey kooxda Alshabaab u taqaano Jabhadda,Maxamuud ayaa iska soo dhiibay magaaladda Garbahaareey ee caasimadda u ah G/Gedo ee maamulka J/land.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

21-DHALLINYARO OO CAAN KA AH TIKTKO-GA OO…

Next
Next

SHIL DIYAARADEED OO KA DHACAY DALKA IRAAN.