SHIINEYS LAGU DILAY AFRIKADA DHEXE.
DHULKA LAGA QODO MACDANTA.
(ISTANBUL)-Ugu yaraan 9-qofood oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa la dilay waxaane la dhaawacay laba kale maanta oo Axad ah ka dib markii ey rag hubaysan ey weerareen goob laga qodo Macdanta kuna taalo dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe(CAR). “Waxa aan tirinay meydad 9-qofood iyo laba dhaawac ah”sidaas waxaa sheegay duqa magaaladda Bambari Mr.Abel Matchipata sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AFP. Matchipata ayaa xaqiijiyey in dhibanayasha wada yihiin Mawaadiniin u dhashay dalka Shiinaha una shaqeynaayey shirkada”GOLD COASTAL GROUP” taaso fadhigeedu yahay meel 25-kilomitir u jirto magaaladda Bambari.
ISHA WARKA AA.