SHIINAHA OO TAAGEERAY GO’AANKA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-BADDA SOOMAALIYA.

(ISTANBUL)-Dalka Shiinaha ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu taageero buuxda u fidiyey “Madax banaanida iyo Wadjirka Dhuleed” ee dalka Soomaaliya,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii ey Heshiis been Abuur ah ey kala saxiixdeen dawladda uu Hogaamiyo dhiigya Cab Abiy Axmed iyo Dagaal Ooge Muuse Biixi Cabdi horaantii Bishaan Janaayo-2024-ka. “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo Mabaadi’ida Axdiga Qaramada Midoobe waxa uuna taageerayaa dalalka ilaalinta Madax-banaanida iyo Midnimada Dhuleed”sidaas waxaa tiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha haweeneyda la yiraahdo Mao Ning,waxa eyna hadalkeeda sii raacisay Mao “Soomaaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya”. Dalka Itoobiya ayaa heshiis dhinaca badda ah waxa uu la galay maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Soomaaliland isaga oo aan ogolaansho ka haysan dawladda dhexe ee Soomaaliya. Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday Heshiiska dalka Itoobiya uu la galay Soomaaliland waxayna ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo khatar ku ah deris wanaaga iyo Qaranimadeeda meel ku dhac ku ah. Waxay sidoo kale u yeeratay safiirkeedii u fadhiyey dalka Itoobiya ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-XASAN: “CADAWGA SOOMAALIYA WAA ALSHABAAB IYO ITOOBIYA.”

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO DADAAL UGU JIRTA..