DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO DADAAL UGU JIRTA..

(SAWIRKA)-DIYAARADDA QARAMADA MIDOOBE.

(MUQDISHO)-Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ey ku kulmaan Soomaalida kuna falanqeyaan siyaasadda dalkooda lagu hadal haayey Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca ah(Helicopter) iney ku degtay dhul ey maamulaan kooxda Alshabaab kuna yaalo bartamaha dalka Soomaaliya,sida la sheegay diyaaradda ayaa ka soo kacday caasimadda Muqdisho waxa eyna soo martay Gobolka Hiiraan waxa eyna u soo gudubtay Gobolka Galgaduud si ey agab caafimaad ey waday u gaarsiiso degmada Wisil ee Gobolka Mudug. Diyaaradda oo ey la soo deristay cilad ayaa si lama filaan ah waxa ey ugu degtay degaanka Xiindheer ee Gobolka Galgaduud eyna maamulaan kooxda Alshabaab. Hadaba Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ey u soo badbaadin lahayd rakaabkii la socday diyaaradda Helicopter-ka ah oo ey leedahay Qaramada Midoobe balse u gacan gashay ururka Alshabaab. Diyaaradaaan Helicopter-ka ah una kireysned Qaramadda Midoobe ayaa ku guda jirtay daad gureynta dhanka hawada ah ka dib markii cilad farsamo ey ku qasabtay iney si deg deg ah ugu degto meel u dhaw Tuuladda Xiindheer ee bartamaha Soomaaliya halkaaso ey maamulaan Maleeshiyaad Alshabaab.

ISHA/REUTERS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIINAHA OO TAAGEERAY GO’AANKA SOOMAALIYA.

Next
Next

SHACABKA MUQDISHO OO FARIIN ADAG U DIRAY ABIY IYO BIIXI.