S/GAAS.IBRAAHIM SH.MUXYADIIN OO LA KULMAY…

(SAWIRKA)-TALIYAHA CXDS S/GAAS.IBRAHIM IYO MADAXDA WARBAHINTA CQS.

(MUQDISHO)-Taliyaha Ciidaadda Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas.Ibrahim Sheekh Muxyadiin Cadaw ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaga Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,Agaasime ku Xigeenka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ka hawlgala Warbaahinta CQS. Taliyaha CXDS S/Gaas.Ibraahim Sh.Muxyadiin Cadaw oo uu wehliyo Kaaliyaha taliska Guud ee Ciidamadda XDS S/Guuto.Madeey Nuureey Sh.Ufuraw ayaa Agaasimaha Warbaahinta CQS L/Xiddigle.Maxamed Muuse Maxamed,Agaasime ku Xigeenka L/Xiddigle.Maxamed Diiriye Dakat iyo sraakiisha ka hawlgasha Warbaahinta Ciidamada ku amaanay sida ey uga run sheegaan waajibaadkooda ciidan ee la dagaalanka fikirka Argagixisada iyo soo bandhigida xaqiiqada dhabta ah ee cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab. Taliyaha oo ku dheeraaday sida ey Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed muhiim ugu tahay Warbaahinta Ciidamadda QS ayaa faray saraakiisha hogaaminta Warbaahinta ciidamadda iney laba jibaaraan waajibaadkooda Qaran isagoo Taliyuhu xusay in doorkii ey ka soo qaateen la dagaalanka Argagixisada ey ahayd mid guuleystay oo maanta Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu ku faanayo shaqadii adkeed ey qeybta ka ahayeen,maantane ey weli taagan yihiin dhammaystirka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee wararka been abuurka ah faafiya.

ISHA-SNA RADIO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO CUMAAN OO KALA SAXIIXDAY….

Next
Next

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY…