GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY…
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur(Madoobe) oo uu wehliyo Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Golaha Sahacabka Md.C/lahi Cumar Abshiraw ayaa shir gudoomiyey kulanka 34-aad ee kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka BJFS,kooramka maanta ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 142-Xildhibaan. Ugu horeyntii habdhawraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan(Nuux) ayaa dhaariyey Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Md.Maxamed Nuur Abuubakar iyo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka Md.Maxamed Cusmaan Cumar(Naastaro). Intaas ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindisa Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ey soo gudbisayWasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare,waxaane Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ey mudanayaasha Golaha Shacabka sharaxaad ka siisay warbixinta akhrinta labaad ee Hindisa Sharciyeedkan. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka iyo muhimada uu u leeyahay Horumarinta Waxbarashada dalka iyagoo Gudiga iyo Wasaaradda su’aalo ka weydiiyey Hindise Sharciyeedkan. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hidaha ee XFS Md.Faarax C/qaadir oo ey wehliso Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Nuura Mustafa Mukhtaar ayaa ka jawaabtay su’aalaha ey Xildhibaanadu weydiinayeen,Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixiyey dhismaha Gudiga Tacliinta Sare ee Qaranka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Adan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa faray Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada inuu soo diyaariyo akhrinta seddexaad ee Hindisa Sharciyeedkan isla markaasne uu ku soo daro doodaha iyo aragtiyada Xildhibaanada dibne Golaha ugu soo celiyo.
ISHA-SNTV.