SOOMAALIYA IYO CUMAAN OO KALA SAXIIXDAY….
(SAWIRKA)-WASIIRADA sOOMAALIYA IYO CUMAAN.
(MUQDISHO)-Wasiirka Xanaanadda Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Xuseen Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Cumaan ayaa maanta heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa dalka Cumaan Dr.Sacuud Bin Xamuud AL-Xabsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Kallumeysiga iyo Kheyraadka biyaha. Intuu socday kulanka ayey labada dhinac waxa ey ka wada hadleen sidii kor loogu soo qaadi lahaay iskaashiga labada dal Soomaaliya iyo Cumaan ee dhinacyada Dhoofka Xoolaha,Hilibka,Kobcinta tayada Caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka Cuduradda Faafa,khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada,kor u qaadida sugnaanta iyo sidii loo xoojin lahaa maalgashiga labada dal. Heshiiska is afgaradka ah ee labada dal ey kala saxiixdeen waxa uu ku saabsan yahay caqabadaha hortaagan Ganacsiga Xoolaha,fududeeynta maalgashiga labada dhinac ee qeybta Xanaanadda Xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah. Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeyo labada dal,kobcinta awooda adeega caafimaadka Xoolaha,adeegyada Ogaanshaha,hababka karantiilka,hubinta u hogaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta Xoolaha.
ISHA-SNTV.