SEDDEX QARAX OO MATAANA AH OO RUXAY AFGAANISTAAN.
(AFGAANISTAAN):Tan iyo markii eey kooxda Dhaalibaan la wareegta xukunka dalka Afgaanistan(15/8/2021)-ka waxaa soo badanaayey xoogaga ka soo horjeedo maamulkooda,waxaane maanta oo Sabti ah(18/9/2021)-ka dalka Afgaanistaan ka dhacay seddex qarax oo isku xiga kuwaaso mid ka mida lala beegsaday gaari roonda ahaay eey iska leedahay kooxda Dhaalibaan bariga dalka gaar ahaan magaaladda Jalaalabaad,seddexda qarax ayaa waxaa ku dhintay laba qofood ugu yaraan dadka ku dhaawacmay qaraxyadaas ayaa waxaa ka mida dumar iyo caruur,qof qariyey magaciisa lana hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in dhimashadu dhan tahay seddex(3) halka dhaawucu dhan yahay sideed iyo toban(18) qofood mana jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda haysato dalka Afgaanistaan ee Dhaalibaan.XIGASHO WAKAALADAHA.