DALKA GIRIIGA OO XARUMO CUSUB U DHISTAY SOO GALOOTIGA.

145531.jpeg

(ATHENS):Dalka Giriiga ayaa maanta oo Sabti ah(18/9/2021)-ka waxa uu furay shan xarumood oo loogu talagalay in lagu haayo dadka megengalyo doonka ah ee aan haysan sharciga,xarumahaan shanta ah dhisidooda ayaa waxaa ka soo horjeestay hayadaha u doodo xuquuqul insaanka waayo xarumahaan ayaa ah kuwa aan u saamaxayn dadka la geeyo ineey sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah waayo waxaa ku wareegsan silig koronto leh,kaamerooyinka qarsoon,raajada wax lagu iskaan gareeyo iyo albaabka oo leh birlab.

Midawga YURUB ayaa bixiyey lacag dhan laba boqol iyo todobaatan iyo lix Milyan oo Yuuro(276-Milyan Yuuro) una dhiganto seddex boqol iyo labaatan iyo lix Milyan oo doolarka Maraykanka ah($ 326)-Milyan waxaane loogu talagalay in dalka Giriiga looga caawino dhismaha shanta xarumood ee loogu talagalay in lagu haayo dadka megengalyo doonka ah ee soo galo dalka Giriiga kuwaaso tahriib dhinaca badda ah kaga yimaado dalka deriska la ah ee Turkiga,shantaan xarumood ayaa kala ah:”Leros,Lesbos,Kos,Chios iyo Samos”dhismayaashaan cusub ayaa noqon doono in dadka qaxootinimada u taga Giriiga ineeysan meel kale ka sii aadin karin sida horay u dhici jirtay.XIGASHO DAILY SABAH.

RIIX HALKAAN

Previous
Previous

SEDDEX QARAX OO MATAANA AH OO RUXAY AFGAANISTAAN.

Next
Next

BARFASOOR KUURIYAN AH OO SOOMAALIYA IYO AFGAANISTAAN KU SHEEGAY.