SACAD CALI OO LAGU DILAY DALKA INGIRIISKA.

(SAWIRKA)-SACAD CALI OO LAGU DILAY UK.

(SHEFFIELS-UK)-Wararka ka imaanayo dalka Ingiriiska ayaa sheegaayo in laba dhallinyara ah loo soo xiray kuwaaso lagu tuhmaayo iney ka dambeeyeen dilka wiil dhallinyara ah oo ka soo jeedo Soomaaliya ahne 24-jir, wiilka ayaa lagu dilay Sabtidii beerta PENEROSA ee Sheffield. Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Sacad Cali,waxa uu Sacad u dhintay si naxdin leh ka dib markii si xun loogu tooreeyey beerta Netherthrope,waxaane loo yeeray qolooyin gargaarka deg dega ah saacadu markeey ahayd 4:35-subaxnimo kuna beegnees 9/3/24-ka. Saraakiisha iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka waxa ey bixiyeen adeeg sare waxa eyna Sacad u sameeyeen daryeel sare laakinse dadaal badan oo la sameeyey waa la badbaadin waayey nolosha Sacad Cali. Hayadaha amaanka ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dilka Sacad waxa eyna sheegeen iney soo xireen su’aalana weydiinayaan laba wiil oo dhallinyara ah midna uu jiro 16-sano halka kan kale uu jiro 17-sano,waan ayaga kuwa looga shakisan yahay dilka Sacad Cali.

ISHA/UK.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

DIYAARADAHA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY…

Next
Next

BURCAD BADEED SOOMAALIYEED OO AFDUUBTAY MARKAB