DIYAARADAHA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY…
(SAWIRKA)-UK IYO US OO WEERARAY GAROONKA DIYAARADAHA XUDEYDA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney qaadeen afar weerar oo dhinaca cirka ah weeraradaan ayaa lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaaladda Xudeyda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman maanta oo Arbaca ah.”Weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska waxay dib u bilaabeen beegsiga Garoonka Caalamiga ah ee Xudeyda oo ey ku qaadeen weerar dhinaca cirka ah”sidaas waxaa bartiisa Telgaramka ku daabacay TV-ga AL-Masiirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Ma jirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan natiijada ka dhalatay duqeynta maanta,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Maraykanka iyo Ingiriiska. Waqti hore oo maanta ah ayuu Tv-ga AL_Masiirah ey maamulaan Xuutiyiinta xusay”Garadarada Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku beegsadeen Garoonka Caalamiga ah ee Xudeyda seddex weerar oo xagga cirka ah”iyadoo kooxda aysan faahfaahin. Garoonka la weeraray ayaa ah mid dhinaca ku haayo xeebta Badda Cas loona maleynaayo in Kooxda Xuutiyiinta u isticmaali jireen iney ka soo tuuraan Drones-ka.
ISHA/AA.