BAADARIYEYAAL MASARI AH OO LAGU DILAY K/AFRIKA.

(SAWIRKA)-BOOLISKA KOONFUR AFRIKA.

(JOHANNESBURG)-Wararka laga helaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in Booliska dalkaasi uu arbacda maanta ah sheegay iney baarayaan dil loo gaystay seddex diin faafiye oo haysta Qibdhiga una dhashay dalka Masar,seddexdaan qof ayaa lagu dilay gudaha Kaniisad ku taalo bariga caasimadda Pretoria. Kaniisadda Coptic Orthodox ee dalka Koonfur Afrika ayaa bayaan ey soo saartay eyna ku baahisay barteeda Facebook-ga ku sheegtay Talaadadii shalay ahayd in seddex ka mid ah diin faafiyeyasha ey la kulmeen “Weerar dambiyeed”.Mid ka mid ah seddex diin faafiye ee la dilay ayaa ahaay wakiil ka tirsan Diocese Coptic ee Koonfur afrika. “Waan la xanuunsanay inaan maqlano dilka naxdinta leh ee loo gaystay Diin faafiye ka tirsan Kaniisadda Coptic ee dalka Koonfur Afrika. Waa in aan la iloobin in dhawaan dalkeena si arxan darro ah loo dilay dad diin faafiye ah oo wasaaradda ka tirsan”. Hadalkaasi waxaa yiri Abune Henok Hogaamiyaha Kiniisadda Addis Ababa ee Orthodox-ka Itoobiya.

ISHA/AA.

Previous
Previous

INGIRIISKA OO LACAG SIINAAYA QAXOOTIGA ISKII..

Next
Next

DIYAARADAHA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY…