BURCAD BADEED SOOMAALIYEED OO AFDUUBTAY MARKAB

(SAWIRKA)-MARKABKA MV ADBULLAH.

(LONDON)-Hayadda Ingiriiska u qaabilsan la socodka iyo amaanka badda ee Ambrey ayaa maanta oo Talaada ah sheegtay iney heshay warbixin ku saabsan in la soo afduubay la keenay xeebaha dalka Soomaaliya eyna gacanta ku hayaan dad fara badan. Hayadda ka shaqeysa Ganacsiga badaha ee Boqortooyadda Ingiriiska(UKMTO)-ayaa sheegtay in shilka uu ka dhacay meel masaafo ahaan u jirta 600-Nautical Miles ah bariga caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Markabka la afduubay ayaa ah MV/ABDULLAH waxa uuna weday Dhuxul uu ka soo qaaday dalka Musambiiq waxa uuna ku socday dalka Imaaraatka carabta Midoobe,waxaane la sheegay in Markabka ey iska leedahay shirkad la yiraahdo KSRM GROUP, Markabka ayaa waxaa kabtan ka ahaay nin magaciisa lagu sheegay C/rashiid waxaane la socday Markabka ilaa 23-shaqaale una wada dhashay dalka Bangaala deesh kuwaaso hadda gacanta ugu jira Burcad badeedka,Markabka ayaana watay Calanka dalka Bangaala-Deesh,afduubka Markabka ayaa dhacay 1:30-pm ee waqtiga Soomaaliya. Sida ey sheegayaan wararka laga helaayo maamulka Puntland ee Soomaaliya markabka la afduubay ayaa lala aaday Xeebaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland,tirada dadka wax afduubay ayaa lagu qiyaasay iney dhan yihiin 20 ilaa 50-qofood oo Hubaysan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SACAD CALI OO LAGU DILAY DALKA INGIRIISKA.

Next
Next

TAHRIIBAYAAL LAGA SOO BADBAADIYEY BADDA ISBAYN.