SABAB DHAQAALE DARTEED ETHIOPIA OO XIRAYSA SODON SAFARADOOD.

abiy.jpeg

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhxeeyo TPLF-ta iyo dawladda dhexe ee Itoobiya bishii Nofember ee sannadkii hore 2020-ka dalka Itoobiya waxaa soo food saaratay arrimo fara badan oo eey ugu horeeyso amni darro,dhaqaalihii oo hoos u dhacay,cadaadis kaga yimid beesha caalamka iyo kaalmadii eey dibadda ka helaysay oo aad isu dhintay.

Raysal wasaare Abiye Axmed oo maanta la hadlay baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dalku lumiyey lacag dhan 2.3-milyan oo doolar tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray NOV-2020-kii,waxa kaloo uu Raysal wasaaruhu sheegay in la dhimaayo tiradda safaaradaha Itoobiya ku leedahay dibadda kuwaaso hadda ah 60-safaaradood lagana soo reebi doono 30-safaaradood eeyna ugu horeeyso tan ku taalo dalka Kenya,waxyaabaha uu ka hadlay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa waxaa ka mid ahaay in golihiisa wasiiradda eeysan shaqaalaysiin karin darawalo geeyo shaqada taas bedelkeedana ayagu wataan baabuurtooda marka eey shaqada tegaayaan. Itoobiya ayaa waqtigaan ku jirto xaalad aad u adag waxaane ku furan irdo badan oo eey ugu horeeyso tan biya xireenka eey isku haystaan ayaga,masar iyo sudaan,arrinta dhulka Faqashle eey isku haysataan itoobiya iyo Suudaan,isku sooo duub itoobiya xaalka aad ayuu ugu xun yahay wqatigaan. ISHA WARKA DAILY NATION.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

MAXKAMAD KU TAAL UGANDHA OO EEY KA DHACDAY…..

Next
Next

LABA YUHUUD AH OO LAGU EEDEEYEY INEEY CARUUR YAR-YAR RAG KA IIBIYEEN DALKA KENYA.