LABA YUHUUD AH OO LAGU EEDEEYEY INEEY CARUUR YAR-YAR RAG KA IIBIYEEN DALKA KENYA.

trafficking.jpeg

Mr.Koren Avraham iyo Mr.Ashush David oo u dhashay Israa’iil ayaa loo haystaa ineey dabin u dhigeen laba gabdhood oo danyar ah una dhashay dalka Kenya,labadaan gabdhood oo aan la sheegin magacyadooda ayaa da’adooda lagu kala sheegay 14-jir iyo 15-jir,labadaan Yahuud ayaa gabdhaha siiyey lacag dhan KSh.14,000 iyo telefoono qaali ah ka hor inta eeysan ku xiran dhismo ku yaalo magaaladda Bamburi ee dalkaas Kenya.

Mr.Avraham ayaa ku eedaysan inuu ka dhileeystay gabar 15-jir ah siiyeyne lacag dhan KSH.7,000 halka Mr.David uu ku eedaysan yahay inuu ka dhileeystay gabar 14-jir ah siiyeyne awood eey bangiga lacag uga qaadan karto lacagtaasoo lagu sheegay KSH.7,000 iyo hal telefoon oo mobile ah. ISHA WARKA DAILE NATION.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SABAB DHAQAALE DARTEED ETHIOPIA OO XIRAYSA SODON SAFARADOOD.

Next
Next

DOORASHADDA SOOMAALIYA OO WAJAHAYSO…