MAXKAMAD KU TAAL UGANDHA OO EEY KA DHACDAY…..
Magaaladda Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha ayaa waxaa maanta maxkamada la horkeenay eedaysanayaal loo haysto weerarkii lagu qaaday taliyihii hore ee booliska ee dalkaas Ugandha GEN.Wamala(1.6.2021)-ka hadana ah wasiir,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay geber uu dhalay generaalka iyo darawalkiisa,waxa la yaabka ah ee maxkamadda ka dhacay ayaa ah in garsooraha la tusay jirdil loo gaystay mid ka mida dadka weeraray Gen.Wamala waqti uu ku xirnaay saldhig boolis,arrintaan ayaa waxa eey soo jiidatay dhammaan warbaahinta bariga afrika waxa eeyna soo sawireen dhaawacyadii ka muuqday mid ka mida eedaysanayaalka.ISHA WARKA.DAILY NATION.