RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII MAANTA.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Sida caadiga ah maalin kasta oo Khamiis ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeesha kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ey kaga hadlaan wixii u qabsoomay Golaha Wasiiradda Xukuumadda DanQaran,hadaba shirkii dhacay maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,waxaane kulankii maanta lagu Ansixiyey wax ka bedelka Sharciga Maareynta Qandaraasyadda iyo Heshiis is af-garasho oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la Dagaalanka Musuq-Maasuqa una dhexeeyo Hayadaha kor joogteynta Soomaaliya iyo dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu Ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaranka ee seddexda sano ee soo socoto (2024/2027) ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikirka Xagjirka ah ee rabshadaha wata oo ey Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaranka ee Tubsan. Golaha Wasiiradda ayaa dhinaca kale ka dhegaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo G/dhiga Warbixino ku saabsan Amniga guud ee dalka,gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray dib u xureynta goobaha ey ku dhuumaaleysanayaan kooxda Alshabaab.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

MW-XASAN OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY CULIM..

Next
Next

RW-XAMSE OO SOO XIRAY SHIRKII CULIMADDA SOOMAALIYA.