MW-XASAN OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY CULIM..
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KA QEYBGALAY.
(MUQDISHO)-Wararka imaanaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu casho sharaf ku maamuusay Culimaa’udiinkii ka qeybgalay Shirweynihii labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed,Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirweynaha Culumaa’udiinka Soomaaliyeed isagoo kula dardaarmay iney xoojiyaan midnimada dhexdooda ah si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ey dawladda ugu garab istaageen ilaalina Diinta ,Dhaqanka suuban iyo Nolosha Mawaadiniinta Soomaaliyeed,wax uuna ku booriyey iney adkeeyaan doorkooda ku aadan dawladnimada,horumarinta dalka iyo wacyigelinta bulshada. “Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hogaamiyeyaasha Ummadda waxaane la idinka sugayaa inaad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda,Amniga iyo dawladnimada . Nabad,Midnimo iyo horumar ey dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ey ku xiran tahay in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyey xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaalanka Alshabaab,ka hortaga afkaaraha qaldan ey faafiyaan iyo isu soo dhaweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadaha sokeeye.
ISHA/SNTV.