RW-XAMSE OO SOO XIRAY SHIRKII CULIMADDA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-SHIRKII CULIMADDA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xamse Cabdi Barre ayaa soo xiray Shirweynihii labaad ee Culimadda Soomaaliyeed oo looga hadlaayey Midnimadda Culimadda Soomaaliyeed ayaa ku booriyey in ey xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah kana gudbaan wax walba oo keenaayo kala qeybsanaan. RW-Xamse ayaa Culimadda kula dardaarmay iney adkeyaan doorkooda ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka,dadkana ey ku hogaamiyaan dagaalka dalka looga ciritiraayo kooxda Alshabaab. “Khataraha ugu waa weyn ee ina horyaalo waxaane ugu horeeyo kooxda Alshabaab,kooxda ayaa khatar ku ah Caqiidada,Dhaqaalaha,Bulshada,Wax soo saarka iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed,Argagixisadu waxa ey hogaamiyaan Jahliga,diin xumidda iyo dhaqan xumidda,meesha ey ku raagaana waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hogaamin lahayn”. RW-Xamse wuxuu ku adkeeyey Culimadda iney xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaalanka Qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre oo uga mahad celiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo leheed qabqaabada Shirkaan sannadlaha ah,RW-Xamse ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid caalimkii weynaa ee Sheekh Cismaan Xidig iyo Hogaamiyihii Siyaasadda Ismaaciil Haniyah. Shirkaan ayaa waxaa diiday iney ka qeybgalaan Wasiiradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamuladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.
ISHA/SNTV.