RW-XAMSA OO KA HADLAY FADHIGA 78-AAD EE QM.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARE XAMSA CABDI BARRE.

(NEW YORK)-Magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa weli si habsami ah uga socdo fadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobe kiisii 78-aad, fadhigaan ayaa dalka Soomaaliya waxaa uga qeybgalay wafdi balaaran uu hogaaminaayey Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre,waxaane wafdigiisa ka mid Wasiiradda Arrimaha Dibadda Huruuse,Qorhseynta Qaran Beene-Beeneiyo Caafimaadka Dr.Cali Xaaji. RW-Xamsa ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,labada masuul ayaa kuwada kulmay hoolka uu socdo fadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe kana socdo magaaladda New York ee dalka Maraykanka. War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska RW-Xamsa ayaa lagu sheegay in labada masuul ey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sideey iskaashi uga yeelan lahaayeen la dagaalanka Argagixisada,ka qaadida cunaqabateynta hubka Soomaaliya saaran tan iyo sannadkii 1991-kii,sidoo kale labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii dalka Maraykanka uu qeyb uga qaadan lahaay sidii dalka Soomaaliya looga cafin lahaay deynta si dalka Soomaaliya uu u gaaro isku filnaansho dhaqaale.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

CIIDAMADDA ATMIS MAKA BIXI DOONAAN SOOMAALIYA?

Next
Next

YAA KA MID AH ALSHABAAB KU GO’ODOONSAN CIID-CIIDKA?