YAA KA MID AH ALSHABAAB KU GO’ODOONSAN CIID-CIIDKA?
(SAWIRKA)-DIYARADAHA DRONES-KA.
(MAHADAAY)-Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii la soo sheegay in maleeshiyaad fara badan oo Alshabaab ah iyo hogaamiyeyaashooda iney ka soo gudbeen dhinaca Wabiga una soo talaabeen degaanka Ciid-Ciidka una dhexeeyo Cali Faaydheer iyo Mahadaay oo ka tirsan G/shabeelada dhexe,Maleeshiyaadkan iyo horjogayashooda ayaa la soo sheegay iney u soo gudbeen dhinaca kale ee Wabiga waqtiyo kala duwan,afar qeybood ayeyna isu soo qeybiyeen waxa eyna Wabiga ka soo gudbeen taariikho kala gedisan sida 5/9/23,9/9/23,11/9/23 iyo 14/9/23-ka. Tirada dagaalyahanada ayaa lagu sheegay iney dhan tahay ilaa 400-dagaalyahan amaba ka sii badan waxaane kala hogaaminaayey sagaal hogaamiye oo kala ah: (1)-Abuukar Axmed Gaduud,magaciisa afgaradka waa Sheekh Siyaar,waxa uuna ka tirsan yahay Madaxda Alshabaab u qaabilsan Zakawaatka Gobolka Shabeeladda Dhexe waxa uuna dadka degaanka si xooga ah uga qaadi jiray xoolohooda iyo lacagtooda. (2)-Sakhraawi,waxa uu ahaay Gudoomiyaha Alshabaab ee degmada A/Yabaal ka hor inta aan laga saarain degmada A/Yabaal kooxda Alshabaab,waxa uuna horay u soo noqday Madaxa ururinta Zakawaat degmada A/Yabaal. (3)-Xuseen Geneey,waxa uu ka mid ahaay hogaamiyeyaash soo ururiyo Zakawaat islammarkaasne hogaamiyo dagaalka ey kooxda Alshabaab la gashay CXDS. (4)-Xuseen Dheere,waxa uu ahaay hogaamiyaha dagaalgelinta Jabhadaha lana socday jabhadaha waxa uuna ka mid yahay dadka ku go’odoonsan degaanka Ciid-Ciidka. (5)-Maxamed Xuseen Hoomeey,waxa uu ahaay hogaamiyaha jabhadaha ee dagaalka la gala CXDS,waxa uuna ku go’doomay degaanka Ciid-Ciidka,waxa uuna horkacay dagaalo fara badan ey kooxda Alshabaab la gashay CXDS. (6)-Dhaalibaan,waa horjooge sare oo ka mida kooxda Jabhadaha loo yaqaan ee Alshabaab ee loo soo diray inuu kala jaro degmooyinka laga qabsaday kooxda Alshabaab ee Gobolka Shabeelada Dhexe,ninkaan ayaa ka mida kooxaha ugu halista badan ee dhinaca Alshabaab,waxa uuna dhawr jeer oo hore uu ka badbaaday duqeymo la doonaayey in lagu khaarijiyo sida duqeyn ka dhacday degaanka loo yaqaano Ceeldheere Buraale. Bishii Novembar-2022-kii duqeyn dhacday ayuu ka badbaaday balse duqeyntaas waxaa lagu dilay horjoogayaal fara badan iyo dagaalyahano badan waxaane hogamiyeyaashaas sare ka mid ah Xasan Nuur. (7)-Abu Xamaam,waxa uu ka tirsanaay kooxda Zakawaatka ee kooxda Alshabaab balse markii dambe waxaa loo wareejiyey inu noqdo hogaamiye dhinaca jabhaadka ah si ey dagaal ugala hortagaan ciidamadda XDS. (8)-JuulaJabaay,waxa uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha Alshabaab ee dhinaca Jabhaadka,markiisii hore waxa uu ahaay nin Mooryaan ah soo dilay dad shacab ah ka dibne Alshabaab ku biiray si uu halkaas ugu badbaado waxa uuna agtooda ka ahaay Mujaahid xaq u dirir ah,waxa uuna ku sugnaay degmada Ruun-Nirgood ee G/shabeeladda dhexe waxa uuna hadda ka mid ahaay Alshabaabka ku go’odoonsan Ciid-Ciidka. (9)-Zakariye,waa sarkaal aan wax war ah aan laga hayn waxa uu ka soo qabtay kooxda dhexdeeda balse ka mid noqday hogaamiyeyaasha ku go’odoonsan Ciid-Ciidka. YAA KU DHINTAY YAASE KU DHAAWACMAY DUQEYMIHII: (1)-Abuukar Axmed Gaduud,waxa uu ku dhintay duqeyn lala beegsaday xero lagu magacaabo Shabeelaw una dhaw degaanka Awbaale. (2)-Xuseen Geneey,waxa uu ku go’odoonsan yahay degaanka Ciid-Ciidka isaga oo dhaawac culus ah haysane wax daawa ah lagana yaabo inuu u dhinto.(3)-Juulajabaay,hogaamiyahaan ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeymihii diyaradaha ee dhacaayey maalmighii la soo dhaafay. (4)-Dhaalibaan,waxa uu dhaawacmay bilawgii duqeynta waane uu u dhintay dhaawicii soo gaaray. Warar hadda i soo gaaray ayaa sheegaayo in loo dhacay Alshabaabkii ku go’odoonsanaay Ciid-Ciidka,Fadlan la soco Wararkeyna dambe.
ISHA WARKA/SUUQBACAAD-MEDIA
MUQDISHO-SOMALIA.