CIIDAMADDA ATMIS MAKA BIXI DOONAAN SOOMAALIYA?
(SAWIRKA)-ASKERI KA TIRSAN ATMIS UNA DHASHAY UGANDHA.
(MUQDISHO)-Waxaa soo baxaayo warar si aad ah isu khilaafsan kuna saabsan ciidamadda Midawga Afrika ee Atmis,ciidamadaan ayaa dalka Soomaaliya ku joogo qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobe marka laga soo bilaabo sannadkii 2007-dii oo hadda laga joogo 16-sano oo buuxda,ciidamadaan ayaa dalka Soomaaliya loo keenay iney ilaaliyaan nabadda gaar ahaan xarumaha dawladda Soomaaliya,tiradda guud ee ciidamadda Midawga Afrika Atmis ayaa lagu sheegaa iney dhan yihiin ilaa 20-kun askeri isuguna jira Militeri iyo Boolis. Sida qorshuhu yahay ciidamadda Atmis ayaa lagu wadaa iney dalka Soomaaliya gebi ahaan isaga baxaan sannadka-2024-ka balse taasi hadda ma muuqato waayo waxaa la soo sheegayaa in la hakiyey 3-kun oo ciidamadda Atmis ah iney ka baxaan Soomaaliya dabayaqadda bishaan Sebtembar-2023-ka.
ISHA/ARAB.