RW-SAALAX OO BOOQDAY WASAARADDA ARRIMAHA DIB..

)SAWIRKA)-KULANKII WAS.ARRIMAHA DIBADDA.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaare ku Xigeenka 1-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku tegay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaaashiga Caalamiga ah,waxa uuna shaqaalaha Wasaaradda ku bogaadiyey Guulaha diblomaasiyadeed ey gaartay Soomaaliya iyo dadaaladda lagu xoojinaayo kaalinta Soomaaliya ee saaxadda caalamka. Md.Saalax,ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ey ka qaadaneyso Horumarinta Siyaasadda Dibadda ee dalka Soomaaliya iyo dadaaladda joogtada ah ee lagu adkeynaayo xiriirka Gobolka Geeska Afrika iyo kan Caalamiga ah. Intuu kormeerka ku guda jiray Md.Saalax waxa uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi,Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ey gaartay sideey dib ugu soo nooleyn lahayd Machadka Diblomaasiyadda,samaysayna dib habeynta Waaxyaha Wasaaradda isla markaasne kor loo qaaday hufnaanta iyo waafajinta mudnaanta Qaranka. Reysal Wasaare Ku-xigeenka Md.Saalax,ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda ey Wasaaradu u leedahay geedi socodka dib u dhiska dawladnimada Soomaaliya,isagoo adkeeyey baahidda loo qabo in la dhiirigeliyo isku filnaanshaha iyo horumar waara.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

NISA OO BAAHISAY TIRADA AKOONADA ALSHABAAB EY XIRTAY.

Next
Next

GUDOOMIYE AMIIR OO BOOQDAY DHISMAHA G/B.